
Dagaaladii Ugu Xumaa ee 18 Sano ka Dib oo Ka Dhacay Lubnaan Kadib Duqeymaha Israa’iil
Dalka Lubnaan wuxuu wajahaya xaalad dagaal oo daran oo aan laga arkin muddo 18 sano ah, kadib markii Israa’iil qaaday duqeymo waaweyn oo ka dhan ah Xisbullah. UNICEF iyo hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in xaaladaasi ay soo celiso maalmihii madowga ahaa ee sanadkii 2006, waxaana shacabka rayidka ah ay wajahayaan culeysyo daran iyo dhimasho badan.
Dalka Lubnaan wuxuu galay xaaladii ugu xumeyd tan iyo dagaalkii 2006, kadib markii Israa’iil qaaday duqeymo waaweyn oo ay ku bartilmaameedsatay Xisbullah. Duqeymihii dhacay ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 492 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur, halka kumanaan kalena ay ku qasbanaadeen in ay guryahooda ka barakacaan.
Wakiilka UNICEF ee Lubnaan, Ettie Higgins, ayaa ku tilmaantay xaaladan "maalintii ugu xumeyd ee Lubnaan tan iyo dagaalkii 2006", waxaana ay dalbatay in la qaado tallaabooyin caalami ah oo deg deg ah si dagaalka loo joojiyo. Hay'adaha gargaarka ayaa ku mashquulsan sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka barakacay, hase yeeshee xaaladaha ayaa kasii dareysa.
Isbitaalada ayaa aad u buuxsamay, iyada oo dhaqaatiirta caafimaadku ay la tacaalayaan tirada sii kordhaysa ee dhaawacyada iyo dadkii xubno laga gooyay. Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in in kabadan 1,600 qof ay ku dhaawacmeen duqeymaha cusub, taas oo cadaadis xoog leh saareysa nidaamka daryeelka caafimaadka ee daciifka ah ee dalkaasi.
Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay walaac weyn oo ku aadan rabshadaha, wuxuuna ugu baaqay dhamaan dhinacyada in ay joojiyaan weerarada ka dhanka ah shacabka rayidka ah. Afhayeenka xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Ravina Shamdasani, ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Gaza uu ku sii faafayo guud ahaan gobolka, taasna ay keeni karto musiibo bini'aadanimo oo aad u ba'an.
Iyadoo indhaha caalamku ay ku sii jeedaan gobolka, xaaladda Lubnaan ayaa kasii dareysa. Falanqeeyayaasha ayaa ka cabsi qaba in haddii aan la qaadin tallaabooyin diblomaasiyadeed oo deg deg ah, gobolka uu ku dhacayo dagaal daba dheeraada oo ay ku hooban karaan shacabka rayidka ah oo ay horay u soo wajaheen dhibaatooyin dagaal oo badan.
Leave a comment
Your email address will not be published. Required fields are marked *