__temp__ __location__
`
"KULANKII MUGDIGA" Shirqoolkii sirdoonka ethiopia ku ee dileen "GEN GALAAL"

"KULANKII MUGDIGA" Shirqoolkii sirdoonka ethiopia ku ee dileen "GEN GALAAL"

Buuggan xiisaha badan, oo markii ugu horreysay lagu qoray af-Amxaari, waxa uu daaha ka qaadayaa mid ka mid ah shirqooladii ugu qarsoonaa ee la maleegay gudaha Soomaaliya. Waxaa qoray sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdoonka Ethiopia, kaas oo shaqada ka fariistay 14-kii August 2023. Sarkaalkaas, oo magaciisa lagu qariyay sababo amni dartood,

Buuggan xiisaha badan, oo markii ugu horreysay lagu qoray af-Amxaari, waxa uu daaha ka qaadayaa mid ka mid ah shirqooladii ugu qarsoonaa ee la maleegay gudaha Soomaaliya. Waxaa qoray sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdoonka Ethiopia, kaas oo shaqada ka fariistay 14-kii August 2023. Sarkaalkaas, oo magaciisa lagu qariyay sababo amni dartood, ayaa shaaca ka qaaday xog aad u xasaasi ah oo ku saabsan xiriirka qarsoon ee u dhexeeya sirdoonka Ethiopia, Al-Shabaab, iyo dowladdii Soomaaliya ee uu hogaaminayay Madaxweyne Farmaajo.

Sheekadu waxay si qoto dheer u faahfaahinaysaa sidii ay Ethiopia ugu adeegsatay Al-Shabaab si loo fuliyo shirqoolkii lagu khaarijiyay Gen. Maxamed Nuur Galaal, oo ahaa sarkaal xog badan haystay, kana digayay faragelinta shisheeye ee ka dhacaysa gudaha Soomaaliya. Sarkaalkaasi waxa uu soo bandhigayaa warbixinno qarsoodi ah oo laga soo xigtay buug ku qoran af-Amxaari oo laga helay maktabadda Gashena, oo ku taalla gudaha magaalada Bahir Dar ee Ethiopia.

Sheekadani waa tarjumaad rasmi ah oo muujinaysa xiriirka u dhexeeya siyaasadda, sirdoonka, iyo khiyaanada ka dhex jirta Geeska Afrika, gaar ahaan sida dowladaha deriska ahi ay ugu lug leeyihiin dhibaatooyinka gudaha Soomaaliya. Sheekadu waxay leedahay xoog, xamaasad, iyo cabsi aad u badan, iyada oo si dhab ah u muujinaysa sida sirdoonku ugu shaqeeyo gudaha ka baxsan caadiga.

Ma ahan buug la iska akhriyo oo la iska iloobo—waa sir la faafiyay oo waligeed xasuusin doonta halista dhabta ah ee sirdoonka iyo siyaasaddu ay ku leeyihiin nolosha dadka.

Qeybta 1aad: Bilowga Qarsoodiga

Waxay ahayd bishii September 2020, magaalada Addis Ababa oo cirku uu madow yahay, magaalada oo aamusan ayaa dhinac walba laga dareemayay in wax weyn soo socdaan. Magaalada gudaheeda, sirdoonka Ethiopia oo caan ku ahaa hawlgallada qarsoon iyo kuwa cabsi leh, waxay kulmeen kulan qarsoodi ah oo muhiim ah. Kulanka waxaa hogaaminayay Sarkaal sare oo lagu magacaabo Colonel Tesfaye Wolde, oo ka tirsanaa sirdoonka qarsoon ee Ethiopia, isla markaana ahaa maskaxda ka dambeysa shirqoollo badan oo laga fuliyay gudaha Geeska Afrika.

Colonel Tesfaye wuxuu sanado badan ka shaqeynayay Soomaaliya, isagoo mar walba ku hawlanaa faragelinta siyaasadda gudaha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta iyo saraakiisha militariga dalkaas. Hadda, wuxuu haystay hawlgal cusub oo aad uga sii halis badan kuwii hore. Bartilmaameedkooda waxaa loo asteeyay General Maxamed Nuur Galaal, oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya oo xog badan ka haystay xiriirka qarsoon ee u dhexeeya sirdoonka Ethiopia iyo kooxaha argagixisada.

Gen. Galaal wuxuu ahaa nin aan sahlaneyn. Xogaha uu haystay waxay u muuqdeen kuwo halis weyn ku ah Itoobiya iyo istaraatijiyadooda gobolka. Waxa uu si aan gabasho lahayn uga digay faragelinta shisheeye, gaar ahaan midda Itoobiya, taas oo culeys ku keentay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu caddeyn ku haayay in hay’ado sirdoon oo Itoobiyaan ah ay si hoose u maalgeliyaan, u taageeraan, kana faa’iideystaan kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, si ay uga hortagaan cadowga gudaha iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan Itoobiya doonaynin.

Tesfaye iyo kooxdiisu waxay ogaadeen in waqtigu dhamaaday oo Gen. Galaal la aamusiyo, laakiin si shirqoolku uu u guuleysto, waxay u baahnaayeen inay dhisaan qorshe cusub oo aan cidna ka shakisan karin.

QEYBTA XIGTA WAXAAN BAAHIN DOONA 16 SEPT 2024 00:30 AM HABEENNIMO GEESKA AFRICA.

Melvina Lubowitz
Melvina Lubowitz

Hi, I’m Melvina Lubowitz, Your Blogging Journey Guide 🖋️. Writing, one blog post at a time, to inspire, inform, and ignite your curiosity. Join me as we explore the world through words and embark on a limitless adventure of knowledge and creativity. Let’s bring your thoughts to life on these digital pages.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

__temp__ __location__